Tiro Hoobiyayaal ahaa ayaa duhurnimadii maanta ku dhacay xaafado ku dhaw dhaw Xerada Xalane oo kutaala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalana ah fariisinka ugu weyn ee Ciidamada AMISOM.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in hoobiyaasha laga tuuray Degmada Wadajir ayna halkaasi ka tureen rag hubeesan oo watay gaari yar kuwaa oo hoobiyaasha tuuray kadibna halkaasi isaga cararay sida dad halkaas ku sugan ay u sheegeen idaacadda Simba.
Hoobiyayaasha qaar ayaa la sheegay in ay ku dhaceen xaafado ay ku noolaayeen dad shacab ah waxaa lasoo sheegayaa in uu jiro qasaaro dhimasho iyo dhaawac shacabka soo gaaray.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidankoodu ay beegsadeen Xerada Xalane isalmarkaana ay khasaara ugeysteen ciidanka AMIOSOM.

