Maamul Goboleedka Jubba-land ayaa ka warbixiyay Markab jiriif ah oo weerar ku qaaday Xalay Kalluumaysato Soomaaliyeed oo ku sugnaa Jasiiradda Jawaas xasaani ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland C/nuur Cali Aadan, oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba-da hoose ayaa sheegay in xalay seqdii dhexe markab aan ilaa haatan aan si dhab ah loo ogeyn halka laga leeyahay uu weerar ku qaaday Kalluumaysato Soomaaliyeed oo ku sugnaa Jasiiradda Jawaas.
Dhan kala Wasiirka warfaafinta C/nuur Cali Aadan ayaa tilmaamay in weerarkaasi Kalluumaysatada Soomaaliyeed lagaga dilay qof halka Sagaal kalana lagaga dhaawacay ,iyadoo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay qaar kamid ah doomihii ay wateen kaluumaysatada Soomaliyeed oo markii dambe gurmad ka helay Ciidmada Jubba-land.

