Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane yuusuf Axmed Hagar {Dabageed } ayaa goordhaw shaaciyay inuu kasoo horjeedo shirka maalmaha soo socda laga furayo Magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
Mudane yuusuf Axmed Hagar {Dabageed } ayaa tilmaamay in dadka reer Hiiraan madax iyo odoyaal ay si cad ugu soo horjeedaan shirka la doonayo in laga Furmo Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe si maamul loogu sameeyo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane yuusuf Axmed Hagar {Dabageed } ayaa kamid ah Mas’uuliyiintii u olaleynayay in odoyaasha reer Hiiraan ay ka qeyb galaan shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha balse warar soo baxaya ayaa sheegay in qilaaf siyaasadeed uu soo kala dhaxgalay Maamulka Gobolka iyo Dowladda Dhexe.

