Markab Dagaal oo Weerar ku Qaaday Kalluumaysato Soomaaliyeed oo ku Sugnaa Jasiiradda Jawaas

0

Maamul Goboleedka  Jubba-land ayaa ka warbixiyay Markab jiriif ah oo weerar ku qaaday Xalay Kalluumaysato Soomaaliyeed oo ku sugnaa Jasiiradda Jawaas xasaani ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland C/nuur Cali Aadan,  oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubba-da hoose ayaa sheegay in xalay  seqdii dhexe markab aan ilaa haatan aan si dhab ah loo ogeyn halka laga leeyahay uu weerar ku qaaday Kalluumaysato Soomaaliyeed oo ku sugnaa Jasiiradda Jawaas.

Dhan kala Wasiirka warfaafinta C/nuur Cali Aadan  ayaa tilmaamay  in weerarkaasi Kalluumaysatada Soomaaliyeed lagaga dilay qof halka Sagaal kalana lagaga dhaawacay ,iyadoo sidoo kale weerarkaas lagu burburiyay qaar kamid ah doomihii ay wateen kaluumaysatada Soomaliyeed oo markii dambe gurmad ka helay Ciidmada Jubba-land.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here