Odayaasha Beesha Habar-gidir oo Kasoo Horjeestay Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka+Dhageyso

0

Odoyaasha beesha Habar gidir oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa si cad ugu soo horjeystay  waxa la yiraahdo aqalka sare  ee lagu soo xulayo Baarlamanka dalka uu yeelan doono sanadkaan, iyagoo sidoo kale ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalada kasoo cusboonaaday deeganada Gobolka Mudug.

Odayaasha ayaa sheegay in Go’aanadii dhawaan kasoo baxay Shirkii Madaxda Madasha wadatashiga qaran ee lagu go’aamiyay in Xildhibaanada lagu soo xulo aqalka sare uu yahay mid soomaliya aan dan u aheen islamarkaana haatan uu keenay dhibaato cusub sidaas darteed  wax la yiraahdo aqalka sare aysan meel ugu jirin dastuurka dalka Soomaliya.

“Sida aad Ogtihiin Shirkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho lagu qabtay waxaa kasoo baxay wax la yiraahdo aqalka sare oo haatan horseeday dhibaato cusub, aqalka  sare waxa la yiraahdo meelna ugama qorno Dastuurka dalka u yaala” ayuu yiri  mid kamid Odoyaasha.

Dhanka kale Odoyaasha beesha Habar Gidir ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Colaada kasoo cusboonaatay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyagoo ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay kawada shaqeeyaan Nabada Gobolka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here