Magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo oo Maanta Laga Dajiyay Qaadka ka Yimaada Dhanka Dalka Kenya

0

Magaalooyinka Qardho iyo Gaalkacyo oo ka tirsan deeganada Maamulka Puntland waxaa barqanimadii maanta ka  dagtay Diyaarad siday qaad oo ka timid dhanka dalka Kenya.

Dadka ku nool Magaalada Qardho  ee Gobolka Bari ayaa sheegay Saaka inay maqlayeen guuxa Diyaarad weyn oo markii dambe laga soo dejiyay qaad fara badan oo Deeganada kala duwan ee Puntland loo qaadaayay, Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in isla Diyaaradaasi ay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug halkaasi oo ay ku dejisay qaad fara badan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee  Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa shalay sheegay in dhammaan duulimaadyada qaadka ee ka imaan jirey dalka kenya laga billaabo maanta in la hakiyay dibna laga soo sheegi doono sababaha rasmiga ah ee loo hakiyay.

Balse Maamulka Puntland ayaa sheegay in uusan  quseyn go’aanka Dowladda Federaalka Somaliya ay ku joojisay qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, islamarkaana deeganada Maamulka Puntland si caadi ah loo geyn doono qaadka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here