Qarax Miino oo Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka Dhacay Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

0

Waxaa Duhurnimadii maanta qarax xoogan oo miino ahaa  uu ka dhacay Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhacay Maqaayad ku taala Gudaha Suuqa Bakaaraha Gaar ahaan nawaaxiga fariisin ciidanka dowlada ay ku leeyihiin Suuqa Daawada.

Qof goob joogo ah ayaa idaacada simba u sheegay in qaraxa uu ahaa mid xoogan islamarkana dhawaqiisa laga maqlay Gudaha Suuqa Bakaaraha.

“Waxaa maqalnay 1:00 duhurnimo jug xoogan oo ka dhacday maqaayad yar oo laga cunteeyo kuna taalo Gudaha Suuqa Bakaaraha maqaayada  waxaa Milkiiladeeda leh haween u dhaxda Gudoomiyaha laanta Xaawo Taako ee Degmada Howlwadaag waxana goobta ku dhintay haweeneydi iyo sidoo kale 2 qof oo rag ahaa iyagana ka Cunteenayay Maqaayada “sidaa waxaa yiri goob jooge la hadlay idaacada simba.

Dhinaca kale waxa jiro warar sheegaya in qaraxa la doonayay in lagu qaarijiyo haweeney maamulka Gobolka Banaadir u Qaabilsan Qaadista Canshuuraha Degmooyinka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya oo soo gaaray Maqaayda uu Qaraxa ka dhacay ayaa goobta ka qaaday meydadka iyo 3 qof oo ku dhaawacantay qaraxa.

Sido kale ciidamada ayaa waxa ay qaraxa kadib fureen rasaas xoogan oo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here