Maamulka Puntland ayaa kasoo Horjeystay Go’aan ay Dowlada Federaalka Soomaliya ku hakisay Duulimaadka Diyaaridihii qaadka ka keeni jirey dalka Kenya.
Afhayeenka Madaxtooyadda Maamulka Puntland Cabdullahii Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegey in aysan qusayn go’aanka Dowlada Federalka Soomaaliya ku hakisay duulimaadka diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.
Waxa uu sheegey Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland Quraan-jecel in Garoomada diyaaradaha Puntland u furan yihiin Ganacsatada Qaadka iyo Kuwa kalaba, Islamarkaana aanu qusayn Go,aanka kasoo baxay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Somaaliya.
Dhanka kale Maamulka Somali-land ayaa kasoo horjeystay go’aanka ay Dowlada Soomaliya ay ku joojisay Duulimaadka Diyaaridihii qaadka ka keeni jirey dalka Kenya.

