Quraan jecel: “Anaga Nama Quseeyo Go’aanka ay Dowladda ku Hakisay Diyaaridihii Qaadka ka Keeni Jirey Kenya”,

0

Maamulka Puntland ayaa kasoo Horjeystay Go’aan ay Dowlada Federaalka  Soomaliya ku hakisay  Duulimaadka Diyaaridihii qaadka ka keeni jirey dalka Kenya.

Afhayeenka Madaxtooyadda Maamulka Puntland Cabdullahii Maxamed Jaamac Quraan Jecel oo  la hadlay warbaahinta ayaa sheegey in aysan qusayn go’aanka Dowlada Federalka Soomaaliya ku hakisay duulimaadka diyaaradihii qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.

Waxa uu sheegey Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland  Quraan-jecel in  Garoomada diyaaradaha Puntland u furan yihiin Ganacsatada Qaadka iyo Kuwa kalaba, Islamarkaana aanu qusayn Go,aanka kasoo baxay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada  Xukuumadda  Federaalka Somaaliya.

Dhanka kale Maamulka Somali-land ayaa kasoo horjeystay go’aanka ay Dowlada Soomaliya ay ku joojisay Duulimaadka  Diyaaridihii qaadka ka keeni jirey dalka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here