Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay Muranka soo kala dhexgalay Ganacsatada Soomaliyeed ee Xaafada islii iyo dowlada Kenya ee ku aadan Canshuur badan oo lagu rogay Ganacsatada Xaafadaas.
Shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, mudane Jamaal Maxamed Xasan ayuu kaga hadlay xirnaashiyaha ganacsi ee maalmihii dambe ka jiray xaafadda Soomaalidu ay degto ee Islii.
Danjire Jamaal Maxamed Xasan ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwa ganacsatada ah ku booriyay in ay amniga xaafadda Islii ka shaqeeyaan, ayna u hoggaansamaan shuruucda dowladda Kenya ay soo saartay.
“Runtii waxaan rabaa waxyar in aan ka hadlo sida aad maqasheen suuqa Islii maalmahaanba waa xirnaa, oo arrimo yar oo ganacsatada dhaxdooda oo kuwa waratada iyo kuwa dukaamadda leh, waxaan rabaa in aan u mahad naqo dowladda Kenya sida ay arrintaan u soo dhax gashay, wax uga qabatay, runtii aad iyo aad bay u mahadsanyihiin” ayuu yiri Danjire Jamaal.
Maalmihii dambe waxaa xirnaa dhaqdhaqaa Ganacsi ee Suuqa Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa sidoo jirey Ciidamo badan oo kenyaati ah oo la geeyay xaafada si ay u sugaan Amaanka.

