Safaaradda Soomaliya ee Dalka Kenya oo ka Hadashay Xirnaashiyaha Ganacsi ee Suuqa  Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi  

0

Safaaradda Soomaliya ee dalka Kenya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay  Muranka soo kala dhexgalay Ganacsatada Soomaliyeed ee Xaafada islii iyo dowlada Kenya  ee ku aadan  Canshuur badan oo lagu  rogay Ganacsatada Xaafadaas.

Shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka  Kenya safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, mudane Jamaal Maxamed Xasan ayuu kaga hadlay xirnaashiyaha ganacsi ee maalmihii dambe ka jiray xaafadda Soomaalidu ay degto ee Islii.

Danjire Jamaal  Maxamed Xasan ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan kuwa ganacsatada ah ku booriyay in ay amniga xaafadda Islii ka shaqeeyaan, ayna u hoggaansamaan shuruucda dowladda Kenya  ay soo saartay.

“Runtii waxaan rabaa waxyar in aan ka hadlo sida aad maqasheen suuqa Islii maalmahaanba waa xirnaa, oo arrimo yar oo ganacsatada dhaxdooda oo kuwa waratada iyo kuwa dukaamadda leh, waxaan rabaa in aan u mahad naqo dowladda Kenya sida ay arrintaan u soo dhax gashay, wax uga qabatay, runtii aad iyo aad bay u mahadsanyihiin” ayuu yiri Danjire Jamaal.

Maalmihii dambe waxaa  xirnaa dhaqdhaqaa Ganacsi ee Suuqa  Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi  ee dalka Kenya waxaa sidoo jirey Ciidamo badan  oo kenyaati ah oo la geeyay xaafada si ay u sugaan Amaanka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here