Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Saxiixay Sharciga Axsaabta Siyaasadda ee Dalka

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa saxiixay  Sharciga Axsaabta Siyaasadda ee dalka oo dhawaan ay meel mariyeen Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya.

Munaasabad lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Qaranka, Xildhibaano, Siyaasiyiinta Xisbiyada qaarkood, Guddiga Doorashooyinka iyo xubno kale.

Ugu Horeyntii Madaxweynaha Soomaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud ka hadlay munaasabadaasi, ayaa sheegay Xisbiyasadda Siyaasadda in looga baahan yahay inay noqdaan kuwo ku dhisan ajandayaal siyaasadeed, oo lagu horumarin karo dalka iyo dadka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna ka hadlaayay munaasabadaan, ayaa sheegay in shaqooyinkii ugu muhiimsanaa lagu meelmariyay Kalfadhigii 8-aad ee Baarlamaanka laga tilmaami karo ansaxinta Sharciyada Axsaabta Siyaasadda,

1473050132b86f8 14730501309fdee 14730501310c8b8 147305013301541

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here