Ganacsade Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug iyo Maamulka Galmudug oo Ka Hadlay+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya  Magaalada Gaalkacyo  ee Gobolka Mudug  ayaa ku waramaya in magaaladaas lagu dilay  nin ganacsade ahaa oo si weyn loogu yaqaanay Magaaladaas.

Ninka Ganacsadaha ahaa ayaa lagu magacaabi jiray C/laahi Cismaan Shiikh Axmed waxaana lagu dilay Suuqa lagu iibiyo Aragi gaar ahaana halka loo yaqaan Darxumo oo ku taal magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Ala U Naxariisteen C/laahi Cismaan Shiikh Axmed ayaa xiligii ladilayey Waxaa lasocday nin kale waxaana soo gaaray dhawac fudud oo dhanka gacanta ah isagoo lagu dabiibayo dhawacii isbitalka guud ee Gaalkacyo.

Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdi Xuseen Maxamed  oo la Hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in rasaas ay isweedaarsadeen labo maleeshiyo oo kasoo kala jeeda labada Maamul ay sababtay dhimashada Ganacsadaha iyo dhaawaca labo ruux oo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here