Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa gaaray magaalada Caasimada u ah dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba, isagoo kula kulmi doona Magaaladaas madaxweynaha koonfurta Suudaan Salva Kiir wuxuuna kala hadli doonaa Sidi looga mira dhalin laha nabad waarta dalkaasi .
Safarkiisa Magaalada Jubba ee caasimada Koonfurta Suudaan waxaa ku wehlinaya Wasiirka Arimaha Dibada Kenya Amina Mohamed Jibriil iyo Wasiiro kale waxaa garoonka Caalamiga ee Jubba kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Koonfurta Suudan Mudane Taban Deng Gai.
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo loo magacaabay dhawaan dhexdhexaadiyaha geeddi-socodka nabadda IGAD ee Konfurta Sudan, iyo dhigiisa ayaa ka hadli doona horumarka dhaqangelinta heshiiska nabada oo dhamaystiran.

