Labo Nin oo Lagu Tuhunsanyahay in ay Ka Tirsan Yihiin Xarakada Al-shabaab oo Lagu Qabtay Degmada Dharkinley

0

Ciidamada Hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed oo Howlgal ka sameeyay Xaafadaha degmada Dharkinley ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo lagu tuhunsanyahay in ay katirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/kaamil Macalin Shukri oo la Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Howlgal qorshaysan oolaga sameeyay degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir  ay ciidamada Nabad Sugida kusoo qabteen Labo nin oo lagu tuhmaayo In ay ka Tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Mudane C/kaamil Macalin Shukri  Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay In haatan ay baaritaano ku socdaan labada nin ee lagu tuhunsan yahay in ay ka Tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Degmada Dharkinley  ee Gobolka Banaadir Gaar ahaan Xaafada Mac-macaanka waxaa dhawaan lagu dilay Gaashaanle ka Tirsanaa Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya oo lagu magacaabi jirey Yaxye Xaaji Cali aadan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here