Taliyaha CXD Soomaliyeed oo Sheegay in Ciidanka Danab ay Yihiin Kuwii Dalka ka Saari Lahaa Al-shabaab

0

Jeneral Maxamed aadan  Axmed Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed oo Tababar usoo xirey Ciidamo ka Tirsan kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa sheegay in ay qeyb weyn ka qaadan doonaan Howlgalada qorshaysan ee laga fulinaayo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Waxa uu Tilmaamay Jeneral Maxamed aadan  Axmed Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed in Ciidamadaan la siiyay Tababar aad u sareeya islamarkaana ay fulin karaan Howlgal walba oo aysan fulin karin noocyada kale ee Ciidamada Dowlada Soomaliya.

Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Danab ayaa tan iyo markii dib loo qalabeeyay waxa ay fuliyeen weeraro dhowr ah oo lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab weerarkii ugu dambeeyay waxa ay ku qaadeen iyagoo kaashanaya Mareykanka saldhig ay al-shabaab ku lahaayeen degmada Saakow ee Gobolka Jubada Dhexe.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here