Inta la xaqiijiyay 12-ruux oo isugu Jira Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamada Maamulka Jubba-land ayaa ku dhintay kadib markii dagaal Xoogan uu ka dhacay Gudaha Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo.
Dagaalka ayaa ka dhashay askari ka Tirsanaa ilaalada Wasiirka Maamulka Jubba-land C/rashiid Janan oo shalay toogasho ay ku dileen Ciidamada amaanka Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo kadib markii qarax miino uu ka dhacay maqaayad ku taala degmadaas.
Ciidamada Maamulka Jubba-land gaar ahaan kuwa ilaalada Wasiirka Amniga Mamulka jubba-land oo arintaas ka duulaya ayaa weerar ku qaaday Ciidamada Maleeshiyaadka ahaa ee ku sugnaa Gudaha Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo ee shalay toogashada ku dilay askariga kamid ahaa ilaalada Wasiirka.
Dagaal socday muddo saacadaha ayaa ka dhacay Gudaha Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo Ugu dambeyna waxaa la sheegay in gudaha degmadaas laga saaray Maaleeshiyaadkii Horey ugu sugnaa sida wararka qaar ay sheegayaan
Dhanka kale Taliyaha saldhiga booliska Degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo Shukri C/laahi Xuseen oo la Hadlay idaacada samba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka uu socday muddo saacada ah islamarkaana haatan ay labada dhinac ka kala joogaan Degmada.

