Dhageyso:-Puntland oo Sheegtay in Aysan Gorgortan ka Gali Doonin Sugida Amniga Deeganadeeda

0

Madaxwayne ku xigeenka  Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay oo maanta shir Jaraaid ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa si kooban  ugu hadlay warqad dhawaan xafiiskiisa kasoo baxday oo lagu Mamnuucay Gaadiidka Puntland kaga imaanayay dhanka Koonfur iyo Bartamaha dhulka Soomaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland MudaneC/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inaysan Puntland cidna ku dhibaataynaynin warqadii  wareegtada aheyd ee kasoo baxday  Xafiiskooda sidoo kalana aysan qofna gorgortan kala galaynin sugida amniga deeganada Puntland.

Dhanka kale Madaxwayne ku xigeenka  Puntland mudane C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa tilmaamay in cidii kasoo horjeysata amarada Maamulka uu soo saarayo loo arki doono In ay garabsiinayaan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here