Dawlada Japan ayaa balan qaaday in lacag gaaraysa $10 billion ay ugu deeqayso Wadamada Afrikaan ah si wax looga qabto Hormarinta kaabayaasha.
Raisulwasaaraha dalka Japan Shinzo Abe oo ka hadlayay Furitaanka shirka Caalamiga ah ee japan iyo Afrika ee loogu magacdaray (TICAD) ayaa sheegay in deeqdaan ay aadi doonto kaabayaasha dhaqaalaha sida isbitaalada, Wadooyinka, iyo Dhalinta tamarta.
Risulwasaaraha Japan ayaa waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in wadamada Africa ay si wada jira ah u xaliyaan dhibaatoyinka ka jira gudahooda.
Mr Abe ayaa sheegay in $500 million oo kale uu soo marsiin doono hay’adaha caalamiga ah si loogu taageero Caafimaadka iyo hal abuurka Qaarada Afrika.
Raisul wasaare Abe ayaa waxaa uu sheegay in dib u habayn lagu samayndoono Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay islamarkaana Qaarada africa ah helidoonto kursi joogto ah sanadka 2023-ka.

