Dowlada Japan oo Wadamada Qaarada Afrika ugu Deeqaysa Lacag Gaareysa $10 billion

0

Dawlada Japan  ayaa balan qaaday in lacag gaaraysa   $10 billion ay ugu deeqayso Wadamada Afrikaan ah si wax looga qabto Hormarinta kaabayaasha.

Raisulwasaaraha dalka Japan Shinzo Abe  oo ka hadlayay Furitaanka shirka Caalamiga ah ee japan iyo Afrika ee loogu magacdaray  (TICAD) ayaa sheegay in deeqdaan ay aadi doonto kaabayaasha  dhaqaalaha sida isbitaalada, Wadooyinka, iyo Dhalinta tamarta.

Risulwasaaraha Japan ayaa waxaa uu sheegay in uu rajaynayo in wadamada Africa ay si wada jira ah u xaliyaan dhibaatoyinka ka jira gudahooda.

Mr Abe  ayaa sheegay in   $500 million  oo kale uu soo marsiin doono hay’adaha caalamiga ah si loogu taageero Caafimaadka iyo hal abuurka Qaarada Afrika.

Raisul wasaare Abe ayaa waxaa uu sheegay in dib u habayn lagu samayndoono Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay islamarkaana Qaarada africa ah helidoonto kursi joogto ah sanadka 2023-ka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here