Muwaadiniinta Mareykanka oo Walaac ka Muujiyay Howlgalada Mareykanka uu ka Fuliyo Gudaha Soomaliya

0

Hawlgalada sii kordhaya ee Ciidamda gaar ah ee Mareykanka  ay ku lug leeyihiin ee ka socda Somaaliya ayaa kor u qaaday cabsida ay qabaan dadka Ameerikaanka ah ee ku nool dalkooda.

War saxaafadeed dhowaan kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa lagu cadeeyay in 17-kii bishaan aynu ku jirno August ay Ciidamada gaarka ee maraykanku hawlgal ka dhan ah Al shabaab ay la sameeyeen Ciidamada dawlada Somaliya hawlgalkaas oo ay kafuliyeen dergaanka Saakow ee koonfurta dalka Soomaliya.

Muwaadiniinta maraykanka ah ayaa waxa ay wallaac ka muujinayaan hawlgalada ay Ciidamada Mareykanku ka wadaan Somaliya waxaana ay sheegayaan in suurto gal ay tahay in uu dhaco aargoosi ku kusalaysan ku lug lahaanshaha uu marakanka ku lug leeyahay dagaalada ka Socda Somaliya.

Dadka ayaa waxaa ay cabsidoodu ku salaysantahay in dad asalkoodu uu yahay Somalida ee ku nool dalka Mareykanka in aysan in badan oo ka mid ah raali ka ahayn waxa uu marakanku kawado dalkooda.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here