Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in qarax bambaano caawa salaadii cishaha lagu weeraray Masaajid ku yaala Gudaha Degmadaas.
Masjidka Qaraxa Bambaano lagu weeraray ayaa la sheegay in salaadii Cishaha ay ku dukadeen masuuliyiin iyo saraakiil katirsan Maamulka Dowlada ee Degmada Baardheere, waxaana Majidkaasi lagu soo tuuray bambaano xili salaada laga soo baxay.
Dad ku u dhaafaya 10-ruux ayaa la sheegay in ay wax ku noqdeen uu ku jiro Gudoomiyaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Cadow Nuur Xasan sida Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowlada Soomaliya ay u sheegeen idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya ayaa goobta gaaray iyagoo halkaas ka sameeyay Howlgal lagu baadi goobayay ragii ka dambeeyay qaraxa bam ee caawa lagu weeraray Masaajid ay saalada Cisha ku tukanayeen Mas’uuliyiinta ka Tirsan Dowlada.

