Xarakada Al-shabaab oo Sheegatay Mas’uuliyada Weerarka Lagu Qaaday  Maqaayada Banaadir Beach

0

War kasoo baxay  Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka Tirsan dhankooda ay caawa weerar ku qaadeen Maqaayad ku taala xeebta Liido oo lagu Magacaabo Banaadir Beach.

Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay weerar isqarin ah  kadibna ciidamo hubeysan ay  gudaha ugaleen  goob ay ku caweeyeen askar iyo saraakiil katirsan kuwa Dowladda Federaalka sida ay baahisay Idaacadda afka Al-shabaab ku Hadasha ee  Andalus.

“Rasaas culus ayaa lasoo sheegayaa inay ka dhaceyso Gudaha Hoteelka Banaadir Beach waxayna Al-Shabaab  la wareegeen qeybo ka tirsan Banaadir Beach iyagoo hadda wada toogashada dadka ku jira goobtaas” ayaa lagu daabacay website-ka Idaacadda Andalus.

Wali wax war ah kama soo bixin dhanka dowlada Soomaliya

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here