Cristiano Ronaldo oo Ku Guuleystay Laacibka Ugu Wanaagsan Yurub Markiisa Labaad

0

Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo Xulka dalka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku guuleystay laacibka ugu wanaagsan qaarada yurub UEFA Best Player in Europe award markiisa Labaad ee Taariikhda.

Ronaldo oo 31-sano jir ah ayaa sanadkii ugu horeeyay abaalmarintaan ku guuleystay  2014-kii kadib markii uu kooxdiisa Real Madrid u suurta galiyay sanado kadib in ay ku Guuleysato koobka Champions League Bishii May.

Cristiano Ronaldo ayaa ku Garaacay abaalmarintaan xidigaha Gareth Bale  oo isku koox ay yihiin iyo weeraryahanka kooxda  Atletico Madrid Antoine Griezmann.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ayaa sidoo kale xulkiisa Portugal Taariikhda  u suurta galiyay in ay ku Guuleystaan koobka Euros 2016, isagoo kaliyah u dhaliyay 3-Goal.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here