Dawlada Kenya oo Ciidamo Badan u Daad Guraysay Degmada Lamu Si ay Uga Hortagaan Al shabaab

0

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa sheegay in 40 gaari oo kuwa Booliis ah iyo 10 gaari oo kuwa gaashaman ay geeyeen degmada Lamu si ay ugu hortagaan Weerarada  Xarakada Al-shabaab.

Tilaabadaan ayaa la sheegay in lagu xoojinayo howlgal loogu magacdaray Linda Boni Operation September 11 ee sanadkii lasoo dhaafay ka bilowday degmadaas sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka kenya Joseph Nkaissery.

Illaa iyo markii uu howlgalkaas ka bilowday deegankaas sanadkii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay weeraro toos ah iyo kuwo qaraxyo ah, ay geysanayaan Xarakada Al-shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa xili uu qodbad ka jeedinayay Uhuru Park Gardens waxa uu sheegay in degmada Lamu la geeyay ciidamo gaaraya 1,500 oo isugu jira Military iyo Booliis

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here