Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo Loosoo Gaba-gabeeyay  kulan Lagu Barayay Qaabka Doorashoyinka +Sawirro

0

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Kulan ay Guddiga Doorashooyinka Heer Maamul Gobaleed, Odayaasha Dhaqanka ay Ku Barayeen Qaabka Doorashoyinka ay uga Qeyb Qaadan Lahaayen.

Odayaasha Dhaqanka Waxaa sidoo kale Kulanka Lagu Barayey Stp-ka Ama Hababka Kala Duwan ay doorashada Dadban Loo Maraayo Madaama ay yihiin Odayaasha Dhaqanka laga maar-maan ay tahey, kaalintoodi ay ka qaatan Doorashada Haatan La Filaayo in ay Ka Dhacdo Dalka.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo gaba-gabadii kulanka hadalo u jeediyay Odayaasha Dhaqanka ee la barayay Qaabka Doorashoyinka ay Uga Qeyb Qaadan Lahaayen.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Mursal Wuxuu Ka Gudoomiye ahaan uu Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshadaba Ka Codasdey In Gudiga ay Garab Istaagaan Si Howshooda Allaah Ugu Ceybeynin Doorashadaana ay u Dhacdo Sidii Sanadkaan Loogu Tala-galey.

13 069 077 092 (1) 092 111 0115 0218 0316 0415 0510 0610

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here