Ugu yaraan 13 qof oo arday iyo shaqaalihii jamacadda ay ka midyihiin ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday jaamacad ku taala Magaalada Kabul ee dalka Afganistan.
Weerarkaan oo dhacay habeenimadii xalay ayaa waxaa kooxo hubaysan ay ku qaadeen jaamacadda American University oo ku taala magaalada Kabul ee Caasimada dalka Afganistan ,waxaana la sheegay in uu ku bilowday qaraxyo inkastoo markii dambe la maqlayay rasaas ka dhacaysay gudaha jaamacadda.
Booliska ayaa sheegay in 35 qof oo isugu jira arday iyo Boolis ay ku dhaawacmeen werarkaas jaamacadda ka dhacay.
Kooxdaas weerarka ku qaaday oo in muddo ah ku sugnaa gudaha jaamacadda ayaa mar dambe boolisku waxaa ay sheegeen in ay soo afjareen islamarkaana ay dileen 2 ka mid ah ragii weerarka soo qaaday
Illaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay in ay weerarkaas ka dambaysay.













