Dhageyso:-Maamulka Ahlusuna oo Beeniyay in Sarkaal Lagu Soo Bandhigay Cadaado uu ka Tirsanaa Maamulkooda

0

Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna waljameeca  ayaa iska Fogeeyey in Maamulkooda ay ka tirsanaayeen Ciidamada lagu soo bandhigay Magaalada Cadaado oo isku Dhiibay Maamulka Galmudug  kuwaasi oo uu Hogaaminayay Sarkaal Sare oo mudo ka tirsanaa ahlusuna.

Taliyaha Nabad Sugida Ahlusunada Gobalada Dhexe  Cabdulahi Cabdi oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Been Abuur ku tilmaamay hadal ay Saxaafada Siiyeen Xubno ka tirsan Maamulka Galmudug ee Fadhigiisu yahay Magaalada Cadaado oo ahaa in Ciidamo ka soo Goostay Dhuusa-mareeb oo uu Hogaaminayey Sarkaal lagu Magacaabo C/risaaq Cali Tubaako oo Darjo sare ka hayey uu isku dhiibay Galmudug.

Sarkaalkaan u hadlay Maamulka Ahlusuna ayaa Tilmaamay in C/risaaq Cali Tubaako  horay uga tirsanaan jiray Maamulkii Ahlusuna ee Al-shabaab ku la Dagaalamay  Gobalka Galgaduud balse iskaga Baxay Mudo sanado laga joogo asaga oo intaa ku siidaray Mas’uuliyada daro uu yahay warka ka soo baxay Xubnaha Maamulka Galmudug ee Cadaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here