Meydka Allah ha u naxariistee S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa maanta lagu wadaa in laga soo dajiyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde.
Amaanka qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa gabi-ahaanba xiran wadooyinka ka baxa iyo kuwa Gala Garoonka Diyaaradaha aadan Cadde .
Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo sameynayo Allah ha u naxariistee Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Soomaaliya, S/Guud Maxamed Cali Samantar, ayaa maalmihii dambe ku mashquulsanaa sidii loogu qeyb qaadan lahaa aaska Marxuum.
20-kii bishaan waxaa Gobolka Virginia ee dalka Mareykanka ku Geeriyooday Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo Xukuumaddii milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare, oo mudooyinkii dambe halkaas ku Xanuunsanayay.

