Maamulka Degmada Xamar Weyne ayaa ka Warbixiyay Weerar bambaanooyin loo adeegsaday oo Xalay lagu weeraray Hoyga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar Weyne Gaashaanle dhaxe C/qaadir Axmed Shire oo warbaahinta kula hadlay Gudaha saldhiga degmadaas ayaa sheegay In weerarka markuu dhacay kadib ay ciidamada Booliska ku baxeen goobta islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen dhowr ruux oo lagu tuhmaayo in weerarka ay geysteen.
“Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed ayaa lagu qaaday Hoyga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cali Xagaa, weerarka markuu dhacayay hoyga waxaa ku sugnaa wasiiru Dowlaha iyo Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya, waxaa ku dhaawacmay 3-askari oo kamid ahaa ilaalada wasiiru Dowladaha markii isbitaalka la geeyay mid kamid ah ayaa dhintay”, ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar weyne Gaashaanle dhaxe C/qaadir Axmed Shire.
Sidoo kale Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar Weyne Gaashaanle dhaxe C/qaadir Axmed Shire ayaa tilmaamay in dad lagu tuhmaayo weerarka ay haatan ku xiran yihiin saldhiga Booliska islamarkaana baaritaano lagu haayo.

