Taliska Saldhiga Booliska Degmada X/Weyne oo ka Warbixiyay Weerar Lagu Qaaday Hoyga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga

0

Maamulka Degmada Xamar Weyne ayaa ka Warbixiyay Weerar bambaanooyin loo adeegsaday oo Xalay lagu weeraray Hoyga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cali Xagaa.

Taliyaha  Saldhiga Booliska Degmada Xamar Weyne  Gaashaanle dhaxe C/qaadir Axmed Shire oo warbaahinta kula hadlay Gudaha saldhiga degmadaas ayaa  sheegay In weerarka markuu dhacay kadib ay ciidamada Booliska ku baxeen goobta islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen dhowr ruux oo lagu tuhmaayo in weerarka ay geysteen.

“Weerar  loo adeegsaday bambo gacmeed  ayaa lagu qaaday Hoyga Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya Maxamed Cali Xagaa, weerarka markuu dhacayay hoyga waxaa ku sugnaa wasiiru Dowlaha iyo Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya, waxaa ku dhaawacmay 3-askari oo kamid ahaa ilaalada wasiiru Dowladaha  markii isbitaalka la geeyay mid kamid ah ayaa dhintay”, ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar weyne Gaashaanle dhaxe C/qaadir Axmed Shire.

Sidoo kale Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar Weyne Gaashaanle dhaxe C/qaadir Axmed Shire ayaa tilmaamay in dad lagu tuhmaayo weerarka ay haatan ku xiran yihiin saldhiga Booliska islamarkaana baaritaano lagu haayo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here