Hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in ugu yaraan 24,000 oo qof Qaxooti Somaliyeed ah ay dib uga laabteen Xerada Dhadhaab kuwaas oo ay ku taageertay inay dib ugu laabtaan Somaliya si iskood ah illaa iyo sanadkii 2014-kii.
Wella Kouyou oo ah ku-xigeenka madaxa UNHCR ayaa sheegay in illaa iyo 2014-kii ay dib ugu soo laabteen dalka Somaliya qaxooti gaaraya 24,000, waxaana uu tilmaamay in 18,000 oo ka mid ah dadkaas ay dib u laabteen sanadkaan 2016-ka oo kaliya.
Mr Kouyou ayaa sheegay in UNHCR ay sii wadi doonto in ay kala shaqayso dawlada Kenya sidii qaxootiga Somaliyeed ay dib ugu laaban lahaayeen Gudaha dalka Somaliya.
Hay’addaha xuquuqda aadanaha ka shaqeeya ayaa ku eedeyay dawlada Kenya in ay si qasab ah ku celineyso dad Qaxootiga ah.

