Daafac ka Tirsanaa kooxda Manchester United oo ku biiray Naadiga Wolverhampton Wanderers

0

Daaficii kooxda Machester United Cameron Borthwick-Jackson ayaa si amaah ah ugu biiray Naadiga Wolverhampton Wanderers  ee ka ciyaarta horyaalka ingiriiska heerkiisa Labaad inta uu ka dhamaanayo xili ciyaareedkaan.

19-sano jirkaan ayaa xili ciyaareedkii aynu soo dhaafnay Line Up-ka kooxda Manchester united helay waayihii Louis van Gaal madaama ay kooxda ka dhaawacnaayeen xidigaha Luke Shaw, Marcos Rojo iyo Antonio Valencia kulankiisa ugu horeeyay waxa uu u saftay united ciyaar ay 2:0 kaga guuleysteen kooxda West Bromwich Albion Bishii November.

Xili Ciyaareedkii aynu soo dhaafnay 14-kulan ayuu kasoo muuqday balse macalinka  Cusub ee Macchester United Jose Morinho ayaa fursad u heli waayay xidigaan madaama uu dhaawac kasoo laabtay xidiga Luke Shaw.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here