Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Dharkinley C/fitaax Nuur Cali oo Xilka La Wareegay+Sawirro

0

Gudoomiye-yaashii Degmooyinka Dharkiinley iyo Kaaraan ayaa maanta xilalka isu badalay kadib markii munaasabad ay ka dhacday Xarunta degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir.

Munaasabaddii ay xilalka isugu wareejinayeen, ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan sida, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Bishaar Abshir Geedi, Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Siyaasadda & Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye iyo Xildhibaan Xasan Macalin oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.

Gudoomiyihii  Hore ee Degmada Kaaraan, C/fitaax Nuur Cali, ayaa u wareegay Maamulka Degmada Dharkiinley, halka Gudoomiyihii Degmada Dharkiinley, Cumar Mayre Macow uu isna la wareegay Xafiiska Degmada Kaaraan,  Kadib wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha  Gudaha Xukuumadda Soomaliya.

Ugu Horeyntii  Gudoomiyaha Cusub ee degmada Dharkinley Mudane C/fitaax Nuur Cali ayaa ka codsaday shacabka degmadiisa in ay la shaqeeyaan islamarkana dhankiisa uu ka caawin doono shacabka degmada in ay helaan waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Dhanka kale Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Siyaasadda & Amniga ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo Munaasabada ka qeyb galay ayaa ammaanay sida quruxda badan ee ay xilalka isugu wareejiyeen masuuliyiintaasi.

1471881039f7259 1471881041edddf 1471881041f4032 1471881043b9b3d 1471881049c2530 1471881050dbc6e 1471881051f0cef 14718810400d275 14718810442a3e1 147188104570a1d 1471881046006b6 14718810470227a 147188104613422 147188105051679

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here