Laacibkii Hore ee kooxaha Chelsea, Beyer Munich iyo xulka dalka Germany Michael Ballack ayaa aaminsan in Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola uu ku guuleysan doono shaqadiisa Ingiriiska balse uu u baahan yahay Waqti badan.
Guardiola ayaa bandhig wanaagsan la bilaabay kooxda uu Hogaamiyo ee Manchester City Kadib markii uu Guuleysaty labo kulan oo Horyaalka ingiriiska ah 2:1 ay kaga guuleysatay kooxdaSunderland, 4:1 ay kaga guuleysatay kooxda Stoke City, iyo 5:0 ay kaga Guuleysteen kooxda Steaua Bucharest isreebreebka Champions league.
Laacibkii Hore ee xulka dalka Germany ayaa u rajeeyay Macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola In uu koobab kula Guuleysto kooxda Manchester City sida uu koobab ula qaaday kooxaha Beyer Munich iyo Barcelona.

