Wafdi uu Hogaaminaayo Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, ayaa maanta booqasho waxa ay ugu bilaabatay dalka Kenya.
Waxaa aqalka Madaxtooyada ee dalka Kenya loogu arimiyo wafdiga uu Hogaaminaayo Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo mas’uuliyiin ka Tirsan dowlada Kenya.
Madaxweynaha iyo iyo John, ayaa waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada, doorashooyinka Somaaliya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta dalka Suudan.
John Kerry, ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu Magaalada Nairobi kula kulmo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Geeska Afrika, waxayna kulankoodaasi diiradda ku saari doonaan siyaasadda gobolka.








