Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Kormeeray Goobihii Qaraxyada ay ka Dhaceen ee Magaalada Gaalkacyo+Sawirro

0

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay, iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulkaas ayaa maanta kormeero ku tagay goobihii shalay lagu weeraray qaraxyada ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta  kormeerka ku wehlinaayay Madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaa kamid ahaa wasiirada Waxbarshada,Caafimaadka,Howlaha Guud,, Xildhibaano Maamulka Gobalka Mudug iyo Maamulka degmada Gaalkacyo.

Xarumaha ay kormeereen Mas’uuliyiinta Puntland  waxaa ka mid ahaa, dhismaha dowladda hoose,Suuqyada Xero Dayax , Isbitaalada GMC, Guryosamo iyo Isbitaalka guud oo lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo.

Ugu Horeyntii Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar Camay ayaa sheegay in weerada ay gaysteen rag, kasoo horjeeda hormarka maamulka Puntland islamarkaana ay jawaab culus  ka bixin doonaan.

Dhanaka kale Wasiirka Caafimaadka Puntland, C/naasir Cismaan Cuuke ayaa sheegay in dhaawacyadu ay u badan yihiin dad shacab ah, waxaana uu tilmaamay in kuwa halista ah loo qaadi doono dalka dibadiisa, si loo soo dabiibo.

IMG_3240 IMG_3256 IMG_3263 (1) IMG_3263 IMG_3274 IMG_3283 IMG_3288 IMG_3292 (1) IMG_3292 IMG_3332 IMG_3333-1 IMG_3344 IMG_3356 IMG_3378 IMG_3395 IMG_3421 IMG_3474 IMG_3505

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here