Madaxweynaha Puntland oo Soo Gaabiyay Safar uu ku Tagi Lahaa Dalka Turky-ga kuna Wajahan Magaalada  Garoowe

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku wajahan magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulkaas isagoo soo gaabiyay safar uu ku tagi lahaa dalka Turky-ga sababo la xiriira Weeraradii ismiidaaminta shalay ka dhacay magaaladaas.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa isku diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo saacadaha soo socda kasoo duuli doona dalka Ethopia.

Dhanka kale 20 ruux oo dad rayid ah ay ku jiraan, ayaa ku dhimatay wararkii ugu dambeeyay aynu halayno labadii qarax ee ismiidaaminta ahaa, ee laguna qaaday Xarunta Dowladda Hoose ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Magaalada Gaalkacyo Gobolka Mudug  ee Puntland oo Warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in ay jiraan dad la geeyay isbitaalada Magaaladaas oo markii dambe u geeriyooday dhaawacyada soo gaaray.

Mas’uuliyada qaraxyda labada ahaa waxaa sheegtay Xarakada Al-shabaab inkastoo aysan soo bandhigin Tirada Rasmiga oo ay ku dileen weerarkaas dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here