John Kerry Xoghayaha arimaha dibadda mareykanka ayaa maanta socdaal ku imaanaya magaaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Wasiir Kerry ayaa la kulmaya wasiiro arimo dibadeedyo uu kamid yahay C/salaam Hadliye Cumar oo ah wasiirka arimaha dibadda Dowlada Soomaaliya.
Socdaalka john Kerry ee wadanka Kenya waxa uu salka ku hayaa ka hadlidda arimaha siyaasadeed ee wadamada Soomaaliya iyo koonfurta Sudan.
Wasiirka arimaha dibadda iyo dhiira galinta maalgashiga caalamiga ah C/salaam Hadliye Cumar oo ku sugan Magaalada Nairobi Caasimadda dalka Kenya ayaa kulamo hordhac ah la qaatay wasiiradda arimaha dibadda Kenya aamino Maxamed Jibriil iyadoona ay ka wada hadleen Arimaha doorasho ee dalka.
Xoghayaha arimaha dibadda mareykanka John Kerry ayaa Madaxda dalka Kenya sidoo kale kala Hadli doona arrimaha amniga iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada ka jirta bariga qaarada afrika iyo arrimaha Doorashooyinka soomaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka.

