Dhageyso:-Galmudug oo Been Abuur ku Tilmaamtay in Qaraxyadii ka Dhacay Gaalkacyo Laga Soo Abaabulay Dhanka Koonfurta

0

Maamulka Galmudug ayaa Puntland ku Edeeyey inay Gobalka Mudug ka wadaan Falal keeni  kala Shaki iyo inay Is Qoonsadaan Bulshada Magaalada Gaalkacyo ee Labada Maamul  uu ka Dhexeeyo Muran Soodimaha iyo Deegaanka ah.

Wasiiru Dowlaha Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka Galmudug Cumar Max’ed Diiriye Guureeye oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyey in uu wado Falal ka dhan ah Wada-daganaashaha Magaalada Gaalkacyo oo ay ka mid yihiin Sida  uu Sheegay Warar Been abuur ah oo ku aadan in  Koofurta Gaalkacyo laga soo Abaabulo Faldanbiyeedyada ka dhaca Waqooyiga Magaaladaasi oo Puntland ay Maamusho.

Wasiiru Dowlada oo Sii hadlayey ayaa Meesha ka saaray Hadal laga soo Xigtay Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo ahaa in Qaraxyadii Ismiidaaminta  ahaa ee  Shalay ka Dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo in laga soo abaabulay dhanka Koonfureed oo uu ka Arimiyo Maamulka Galmudug Islamarkaan Gaadiidka ay Wateen Raga Weeraray Xarunta Dowlada Hoose ay ka yimaadeen Dhinaca Galmudug halkaas ayaa Wasiiru Dowlada Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Galmudug waxa uu ku Tilmaamay mid aan laga Fiirsan.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Waxaa ka Dhexeeya Muran ku Salaysan Cida sida Sharciga ah uu u Hoostagayso  Magaalada Gaalkacyo kaasi oo Cirka isku Shareeray Wixii ka danbeeyey markii Bishii July 4-teeda ee Sanadkii aanu soo Dhaafanay ee 2115-kii  Magaalada Cadaado looga Dhawaaqay Maamulka Galmudug waxaan intaa u sii dheer kala Shaki ku aadan Fal danbiyeedyada ka dhaca Magaalada Gaalkacyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here