Muhaajiriin Soomaliya ay ku Jirto oo Laga Soo Badbaadiyay Badda Mediterranean-ka

0

277 qof muhaajiriin ah oo Somaali ay ku jiraan ayaa la sheegay in lagasoo badbaadiyay badda Mediterranean-ka meel u jirta 27-km Waqooyiga Magaalada Sabratah ee dalka Liibiya sida uu sheegay Urur aan dawli aheyn oo Spanish ah.

Dadkaan oo African u badan ayna ku jiraan Muwaadiniin Somaliyeed ayaa la tilmaamay in ay kasoo amba baxeen dalka Liibiya ee Qaarada Afrika sida uu Ururka uu sheegay .

Intii uu Socday hawgalka Gurmadka badbaadinta hal qof maydkiis ayaa la sheegay in lahelay.

Wiil Somaliyeed  oo magaciisa lagusoo koobay Mowliid ayaa la sheegay in uu u Geeriyooday cudurka Jadeecada intii safarka lagu guda jiray sida ay sheegeen qoyskiisa oo la socday.

Dhanka kale Dadkaan Muhaajiriinta ah ayaa waxaa la tilmaamay in lagu wereejiyay markab laga leeyahay dalka Talyaniga kaa oo geyn doona Xeebta Sicily ee dalka Talyaaniga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here