Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaali Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu Hogaamiyo ayaa lagu Wadaa inay Gaaraan Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo Xarun u ah maamulka si uu Xariga uga jaro Xarumaha loogu talo galay in ay ku Shaqeeyaan Golayaasha kala Duwan.
Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre Maxamed (Xuseen Jeex) oo u Waramay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Maalmaha Socda ay Magaalada Soo gaari Doonaan Xubno ka Socada Maamulka Koonfur Galbeed oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Shariif Xasan ayna Qeyb ka yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano kuwaas oo u kuurgali Doona Xaalada amaanka iyo sidii maamulka loogu soo guurin lahaa Magaalada.
Gudoomiye Xuseen Jeex ayaa Xusay in Mdaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya uu Xariga ka jari Doono Xarumaha Muhiimka ah ee Maamulka oo Qaarkood uu u Soo dhamaaday Dayactir iyo Dhisitaan lagu Sameeyey waxaana intaa ku daray in la joogo Xiligii ugu haboonaa ee madaxda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ay u soo Guuri lahaayeen Magaalada Baraawe oo ah Xarunta Maamulka Sida uu qorayo Dastuurka Maamulkaas.

