Gudoomiyaha Gobalaka Nugaal ee Maamulka Puntland Cumar Cabdulaahi Faraweyne ayaa Madaxda ugu Saraysa Puntland ku eedeeyey inaysan Kalsooni badan ku qabin Ciidamada Amaanka Puntland ee Gobalkaas Taasi oo uu Xusay in ay Xaaladka kale ka abuurtay Magaalada Garoowe.
Gudoomiye Faraweyne ayaa Tilmaamay in Wax laga Xishoodo ay tahay in Madaxda Sare ee Maamulka Puntland kalsooni daro ay ku qabaan Ciidamada Amaanka Awgeed ay Xirtaan Qaarka Mid ah Wadooyinka Muhiimka u ah isku Socodka Dadka iyo Gaadiidka ee Magaalada caasimada u ah Dowlad Gobaleedka Puntland ee Garoowe oo hada uu sheegay in Dadka Shacab ah ay ku Dhiban yihiin Xiliyada Habeenkii.
“Haloo Furo Dadka Wadooyinka yaan la Dhibin Shacabka Toosh baa indhaha looga Ifiyaa oo waxaa la yiraahdaa Dib u noqo sidaas darteed Qofkii Shacab ah oo waddo laga Celiyo Hanoo soo Dacwoodo Maamulka Waxaa loo Dhisay inay Dadka u Shaqeyaan ee Ma ahan inay Dadka Dhib ku noqdo, Hadii aad baqaysiin oo aadan ku kalsooneen Ciidamada Amaanka ee Taliyaasha iyo Wasiirada aad u Tihiin Ader Hadii aad Qolo Nagaroon arkaysid orad aad oo Shacabka Dhibaatada ka daah” ayuu yiri Gudoomiye Faraweyne
Waxaa mudooyinkii Dambe Soo baxayay Cabasho ay Bulshada Garoowe ka muujinayso Madaxda ugu Saraysa Maamulka Puntland oo Xirtay Qaarka mid ah Wadooyinka Muhiimka ee Magaaladaas.

