Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Wada Qorshe Sidii Maamulkiisa ugu Guurin Lahaa Magaalada Baraawe

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaali  Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu Hogaamiyo ayaa lagu Wadaa inay Gaaraan  Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo Xarun u ah maamulka si uu Xariga uga jaro Xarumaha loogu talo galay in ay ku Shaqeeyaan Golayaasha kala Duwan.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose Xuseen Barre Maxamed (Xuseen Jeex) oo u Waramay Idaacada Simba  ee Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay Maalmaha Socda ay Magaalada Soo gaari Doonaan Xubno ka Socada Maamulka Koonfur Galbeed oo uu Hogaaminayo Madaxweyne Shariif Xasan ayna Qeyb ka yihiin  Wasiiro iyo Xildhibaano kuwaas oo  u kuurgali Doona Xaalada amaanka iyo sidii maamulka loogu soo guurin lahaa Magaalada.

Gudoomiye Xuseen Jeex ayaa Xusay in Mdaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya uu Xariga ka jari Doono Xarumaha Muhiimka ah ee Maamulka oo Qaarkood uu u Soo dhamaaday Dayactir iyo Dhisitaan lagu Sameeyey waxaana intaa ku daray in la joogo Xiligii ugu haboonaa ee madaxda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed  ay u soo Guuri lahaayeen  Magaalada Baraawe oo ah Xarunta Maamulka Sida uu qorayo Dastuurka Maamulkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here