Faah-faahino Dheeraad ah oo Laga Helayo Is Rasaaseen ka Dhacday Xaafada Odwayne ee Degmada Dayniile

0

Inta la Xaqiijiyey 2-ruux ayaa ku dhaawacantay oo mid ka mid ah  uu Dhaawac Culus soo gaaray kadib Is Rasaaseen Ciidamada Dowlada iyo Burcad Hubaysan ku Dhexmartay Xaafada Odwayne ee Degmada Dayniile gaar ahaan agagaarka Aadan War-dheere.

Israsaaseentaan  ayaa dhacay ka Dib markii ay isku Dhaceen Ciidamada Amaanka iyo Koox Hubaysan oo watay Mooto Bajaaj oo Dad Shacab ah Xiligaas Dhac ugu Geysanaayey Gudaha Xaafada Odweyne ee Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan Kuwa Amaanka Gobalka Banaadir oo Howlgal ka waday Xaafada Odwayne ayaa si kadis ah ugu soo baxay Dablay looga Shakisan yahay inay Qayb ka yihiin Kooxo Hubaysay oo Habeenadii la soo dhaafay Dhibaatooyin iskugu jira Dil iyo Dhac ugu geysanaayey Dadka Shacabka ah Xaafado ka mid ah Degmada Dayniile taasi oo keentay labada Dhinac ay Rasaas Culus  is Weydaarsadaan islamarkaana Sababtay dhaawaca labo Ruux oo kala ahaa Macalin Dugsi iyo Gabar Da’yar oo Goobta ku Sugnayd.

Goob joogayaa Xog ogaal ka ahaa Sidii uu falku u Dhacay ayaa Idaacada Simba u Xaqiiyey Ciidamada Amaanka Degmada Dayniile iyo Kooxo Hubaysay Dad Rayad ah Taleefoonada gacanta ka dhacayey Dagaal ku Dhexmaray Xaafada Odweyne,Wararku ayaa intaa kusii daraaya sidirqi ah in  ay Goobta uga Baxsadeen Kooxdii la dagaalantay Ciidamada Dowlada.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here