Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo oo Sheegay in ay Wiiqantay Awoodii Al-shabaab+Dhageyso

0

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay hoos u dhacday awoodii Xarakada Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolkaas.

Shukri C/laahi Xuseen oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya ee Gobolka Gedo oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in awoodii al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolkaas ay wiiqantay islamarkaana xiliyadii hore ay iyaga weerar soo qaadi jireen balse haatan ay iyaga ay weeraro ku qaadaan Saldhigyada ay ku sugan yihiin.

“Cirka iyo dhulka ayaa laga weeraray Al-shabaab waxaa  laga  dilay  askar badan, Todobaadyadii ugu dambeeyay hoos ayay u dhacday awooodii ay Gobolka ku lahaayeen 17-askari ayaa nolosha looga qabtay, 30-askarina waa laga dilay, Ciidamada Dowlada soomaliya iyo kuwa Amisom ayaa haatan bilaabay in weeraro ku qaadaan saldhigyada Ay al-shabaab ku sugan yihiin” ayuu yiri Shukri C/laahi Xuseen oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya ee Gobolka Gedo.

Dhanka kale Shukri C/laahi Xuseen oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaliya ee Gobolka Gedo waxa uu sheegay in Ciidamada dowlada  ay gacanta kusoo dhigeen Saakay  Rag ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo miino ku aasay qeybo kamid Degmada Baardheere dhawaana lasoo bandhigi doono.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here