Xubnaha Maxkamadda Sare ee Maamulka Puntland oo Maanta La Dhaariyay+Sawirro

0

Waxaa maaata xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  ahna ku simaha Madaxweyna Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey lagu dhaariyey xubnaha Maxkamadda Sare ee dawladda Puntland oo uu dhowaan Wareegto Maxweyne ku magcaabay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali isla markaana ay ansixiyeen labada gole ee dawladdu.

kusimaha Madaxweynaha ayaa dhaarinta ka dib kula dardaamay xubnaha maxkamadda sare ee Puntland in ay ka dhabeeyaan kitaabka ay gacanta saareen isla markaana ay u gutaan xilkaasi loo igmaday si daacad ah.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa tilmaamay in garsoorku uu yahay masuuliyad weyn oo u baahan in si taxadar leh loo guto isla markaana loo caddaalad sameeyo ummadda, isagoona sheegay in xubnahaan loo magcaabay Maxkamadda Sare ay yihiin kuwo xilkaasi ku habboon oo leh aqoontii iyo waayo aragnimadii loo baahnaa.

Ugu dambayn kusimaha Madaxweynaha ayaa Eebbe uga baryey in uu xubnahaan maanta la dhaariyey u fududeeyo xilkaasi culus ee ay dhabarka u riteen, wuxuuna Madaxweyne ku-xigeenku ka codsaday guud ahaan shacabka reer Puntland in ay si buuxda ula shaqayeen Maxkamadda sare ee Puntland.

—DHAMMAAD—

 

IMG_3619 IMG_3621 IMG_3627 IMG_3635 IMG_3639

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here