UNHCR oo Sheegtay in Somaliya ay ka Mid Tahay Meelaha Ugu Qatarta Badan ay Shaqaalaheedu ka Shaqeeyaan

0

Madaxa hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe Filippo  Grandi ayaa sheegay in shaqaalo badan oo u shaqeenaayay UNHCR  Sanadkii lasoo dhaafay lagu dilay meelo ay Somaliya ka mid tahay kuwa kalana ay dhibaatooyin Soo gaareen kuwaas oo dhamaantooda ka shaqaynayay sidii ay u caawin lahaayeen dad badan oo dhibaatooyin ay ku haystaan wadamo Somaliya ay ka ku jirto.

Hay’adda UNHCR ayaa waxaa tilmaantay in 3 kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay Somaliya islamarkaan ay hadda xusuusanayaan asxaabtii ay wada shaqayntu kala dhaxaysay.

Waxaana ay kalayihiin Shaqalahaas 1-Amina Noor Mohamed  iyo darawalkeeda oo lagu toogtay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan, 2-Fowsiyo oo dhinaca nadaafada u qaabilsaneed Xafiiska hay’addu ay ku leedahay Muqdisho oo sidoo kale ay toogteen kooxo dabley ah iyo Ahmed Mohamed Hassan, oo bishii lasoo dhaafay lagu dilay Qarax isla magaalada Muqdisho ka dhacay.

Madaxa hayadda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobe  Grandi ayaa tilmaamay in 50% meelaha qatarta ah ee ay ka shaqeeyaan shaqaalaha UNHCR ay tahay Wadamada Afghanistan, Somaliya iyo Syria.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here