Christian Benteke oo Ku Dhow ku Biirista kooxda Crystal Palace

0

Macalinka kooxda Crystal Palace Alan Pardew ayaa xaqiijiyay in ay kooxdiisa ku dhow dahay saxiixa laacibka kooxda Liverpool ee xulka dalka Belgium-ka Christian Benteke.

Lacagaha ay kula soo wareegayso  Crystal Palace xidigii Hore ee kooxda Astan Villa Christian Benteke ayaa lagu sheegay £27 million waxaana raacsan £5m oo dheeri ah.

Wadahadalo shaqsi ah ayaa la sheegay in uu horey u dhexmaray xidiga Christian Benteke iyo Kooxda Crystal Palace balse kooxda lagu naaneeso Eagles ayaa kalsooni ku qabta in ay dhameystirta heshiiska xidigaan.

Christian Benteke ayaa Noqon doono laacibkii ugu qaalisanaa ee kooxdaan lasoo wareegto kadib markii  £13m ay kula soo wareegtay xidigii hore ee kooxda Totenham Andros Townsend.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here