libaax Cunay Gabar 10-sano jir ah Deegaanka Magarini  ee Dalka Kenya

0

Deegaanka Magarini ee Gobolka Kilifi  ee dalka Kenya waxaa kusoo badanaya xiliyada Habeenkii weerarada ay Geystaan Xaywaanada  Duur joogto ah.

libaax ayaa kala baxay  Guri gabar 10-sano jir ah xaafada Kulesa , ee deegaanka Magarini, habeenkii talaadada aheyd kadib markii uu weerar ku qaaday hoy ku yaala xafadaas sida warbaahinta ay u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay abaarahii sagaal saac oo habeenimo markii Guri deegaankaas ku yaalo uu  kala baxay libaax gabadha oo lagu magacaabo Winnie Makupe “Waxaana lagu soo kacay qaylo ka dib markii libaaxa dhuumaaleysanaya uu docda ka dafay gabadha ka dibna ula cararay dhanka duurka,” sida uu sheegay gabadha awoowged Katana Karisa.

Dhanka kale Saraakiisha Adeegga Duur-joogta Kenya  oo uso gurmaday raadinta gabadha in ay helaan iyada oo nool balse raja beelay marki la arkay haraaga meedka gabadha oo uu libaaxa aad u cunay meel dhawr kilometer u jirta cida.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here